Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Raysulwasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble

Baarlamaanka oo gacanta u taagaya ansixinta Raysulwasaare Maxamed Xuseen Rooble. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ansixiyay Raysulwasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble kaasoo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo magacaabay asbuucii hore.

Rooble ayaa badali doona Xasan Cali Khayre oo baarlamaanka ay rideen isaga iyo golihiisii wasiiradda dabayaaqadii bishii July.

Raysulwasaaraha cusub, oo haysta dhalshada Sweden, ayaa la shaqeyn jiray haayada ILO xafiiskeeda Nairobi, Kenya. Waxa uu ku soo beegmay xilli dalku uu ku jiro kalaguur, iyadoo qorshuhu yahay in bilowga sanadka soo socda la qabto doorashooyinka.

Hadal uu ka jeediyay baarlamaanka, Raysulwasaaraha cusub wuxuu balanqaaday in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh taasoo dalka ka saari doonta wakhtiga kalaguurka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*