Puntland ayaa waxaa ka jira haayado ka shaqeeya ammaanka kuwaasoo leh ciidamo xoogan oo ka howlgala gobolada Puntland, gaar ahaana gobolka Bari oo ay ka jiraan kooxo argagixiso sida Al-Shabaab oo kacdoon ka bilowday gobolka 2010, iyo Daacish (ISIS) oo ahayd garab ka go’ay Al-Shabaab oo 2015-kii bilaabay kacdoonkeeda.
Sanadihii u dambeeyay oo kooxahaan ay ka jireen gobolka waxay ka gesyteen weeraro isugu jira dilal khaarajin ah iyo qaraxyo kalaaftay dad badan.
Isku milanka haayadaha amniga iyo argagixisada
Inkastoo ay dhaceen weeraro lagu khaarajiyay dad kala duwan sida ganacsato, masuuliyiin, iyo oday dhaqameedyo, kuwaasoo dilalkooda ay sheegteen kooxaha argagixisada, haddana ma jirto in gacanta lagu dhigay cidii ka dambeysay weeraradaas, oo badankood ka dhacay magaalada Boosaaso, oo ah xarunta ganacsiga Puntland, halkaas oo ay jogaan boqolaal ciidamo ah oo ay leeyihiin haayadaha ay taageeraan wadamada shisheeye sida PSF oo Mareykanka taageerayay tan iyo markii la asaasay iyo PMPF oo uu taageero Imaaraatka Carabta, labadan ciidan ayaa ah kuwo saad ahaan iyo tabobar ahaan ugu fiican Puntland.
Labadan ciidan ayaa ah kuwo ay saameeyeen dano gaar ah taasoo ka weecisay shaqadii la rabay in ay qabtaan. Tusaale PSF ayaa waxay u adeegtaa qoyska reer Cismaan Diyaano oo haystay maamulka tan iyo markii la asaasay, halka PMPF ay adeegsato hadba madaxweynaha Puntland xilka haya iyo qoyskiisa hoose tan iyo 2011.
Wixii ka dambeeyay doorashadii 2018 ee ka dhacday Puntland, labada ciidan ayaa noqday kuwo ay ka dhaxayso cadaawad weyn taasoo sababay kooxihii xukunka ku loolamay gaar ahaan Asad Cismaan Diyaano oo markaas ahaa agaasimihii PSF iyo Siciid Cabdullahi Deni oo hadda haya xilka madaxweynaha Puntland, labada nin ayaa si adag ugu loolamay doorashadii 8-dii Janaayo 2018.
Bishii December 2021, labada ciidan ayaa dagaal uu dhiig ku daatay, kumanaan qofna barakiciyay ku dhexmaray magaalada Boosaaso, dagaalkaas oo uu keenay damac shakhsiyadeed oo labada dhinac u dhaxeeyay.
Wixii intaas ka dambeeyay, waxaa soo baxayay xogo ah in ciidamada labada dhinac ay ku lug leeyihiin dhacdooyin amni oo gobolka ka dhacay kuwaasoo salka ku haya dano gaar ah sida tartan ganacsi, loolan siyaasadeed iyo xitaa khilaafaad qabiil. Waxayna banaanka keentay in dhacdooyin badan oo loo haystay in ay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada ay ku lugleeyihiin haayadahaan amnigu.
Loolanka ganacsiga
Masuuliyiinta u sareeya haayadahaan amniga iyo shakhsiyaad qaraabo la ah ayaa ganacsi ku leh magaalada Boosaaso, taasoo keentay loolan saameeyay shirkadaha ganacsiga waa-weyn, iyadoo loolanka u weyn uu ka dhacay qandaraas bixinta.
Dhawaan waxaa weerar loo geystay xaruntii Al-Macruuf Supermarket Boosaaso, taasoo gebi ahaanba ku keentay burbur xaruntii, iyo dhimashada labo qof. Ku dhawaad $1.5 milyan hanti lagu qiyaasay ayaa ku khasaartay weerarkaas.
Ma ay jirin cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, waxaana dad badan aamineen in ay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada kadib markii ay shirkadu diiday lacag baad ah (extortion money) oo kooxahaan ay ka qaataan ganacsatada, balse taasi dhab ma aha, sida ilo-wareedyo ku dhow maamulka shirkadu ay sheegeen, iyagoo xaqiijiyay in aysan jirin koox kamid ah kuwa ka jira gobolka oo lacag ka dalbatay.
Qaar kamid saraakiisha ammaanka Puntland gaar ahaan booliiska oo asbuuc kadib weerarka, Boosaaso kulan ku yeeshay ayaa sheegay in ay aqoonsadeen cidii ka dambeysay weerarka, balse ma aysan sheegin magaca cid gaar ah.
Marka laga tago booliiska, agaasimaha haayada PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa caawa bartiisa Facebook soo dhigay sawir uu isku barbardhigay Al-Macruuf Supermarket iyo Baraar Market, balse ma uusan faahfaahin qoraalkiisa marka laga reebo qoraal yar oo oranaya “Carmo maxaa laga rabaa”.
Sawirka Maxamuud Diyaano oo ah mid kamid ah madaxa haayadaha aan kor ku soo sheegnay ayaa daaha ka qaadaya in weerarkii Al-Macruuf Supermarket uu salka ku hayay loolan ganacsi.
Maxamuud oo haayada uu maamulo PSF uu colaad kala dhaxeeyo PMPF, ujeedka hadalkiisa Carmo ayaa fasiraad ka bixinaya weerar ay dowladdu ku qaaday nin ku sugnaa Carmo oo la sheegay in lala xiriiriyay weerarkii Al-Macruuf Supermarket in uusan shaqo ku lahayn, halka Baraar Market uu ula jeedo ku lug lahaanta weerarkaas. Baraar Market ayaa ah ganacsi dhawaan la sameeyay kaasoo la sheegay in ay leeyihiin shakhsiyaad qaraabo la ah madaxweyne Deni oo saamayn ku leh maamulka haayada PMPF.
Baraar Market iyo Al-Macruuf Supermarket ayaa la sheegay in ay ku loolamayeen qandaraas adeeg bixinta haayada PMF, oo horey Al-Macruuf Supermarket uu u haysatay qandaraaskaas.
Isku soo wada duuboo, tani waxay hoosta ka xariiqaysaa in haayadahaan ay ku lug leeyihiin howlo aan ahayn kuwii loo sameeyay, inkastoo xogta weli laga hayo ay yartahay, balse laga yaabo in ay soo baxaan xogo kale oo waa-weyn wakhtiyada soo aadan.