Bukaan Soomaali ah oo 700 dhagaxuunta kelyaha ah looga soo saaray qaliin loogu sameeyay gudaha Hindiya

Bukaan Cabdiraxmaan oo ay dul taaganyihiin dhakhaatiirta. [Xigashada Sawirka: The Hindu]
Dhakhaatiir joogta dalka Hindiya ayaa 700 dhagaxuunta kelyaha ah kasoo saaray nin Soomaali ah, sida uu daabacay wargeyska The Hindu Times, oo soo xiganaya dhakhaatiirta qaliinka fulisay.

Dhakhaatiirta oo ka howlgasha isbitaal gaar loo leeyahay ayaa aad u yaabay markii ay ninka Soomaaliga ah ka heleen boqolaal dhagaxuun yar yar ah. Waxayna uga shakiyeen in ninka ay saameysay arrin gaar ah taasoo sababtay in kelyihiisa laga helo dhagaxuun badan.

Bukaanka oo kayimid magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa lagu magacaabaa Cabdiraxmaan waxaana hayay dhabar xanuun muddo saddex sanno ah kahor inta uusan u tagin dhakhtar jooga magaalada Gaalkacyo, kaasoo u sheegay in Cabdiraxmaan labadiisa kelyood ay ku jiraan dhagaxuun badan oo yar yar iyo waa-weynba leh.

Qaliin lagu sameeyay kelida bidix ee bukaanka sideed bilood kahor ayaa laga soo saaray saddex dhagax oo waa-weyn, balse qaliinka ayaa ku reebay xanuun taasoo ku keentay in uu qaliin la aado kelida midig.

Qaliinka kelida midig

“Markii uu noo yimid anaga, kelidiisa bidix waa ay xanuunsanayd lamana qali karin. Waxaanu siinay daaweyn kahor inta aaanu isku dayin qaliinka kelida midig,” Surya Prakash oo kamid ah dhakhaatiirta isbitaalka Virinch ayaa sidaa yiri, halkaas oo lagu fuliyay qaliinka saddex beri kahor.

Dhakhaatiirta ayaa kasoo saaray hal dhagax oo weyn oo lagu qiyaasay saddex cm kadibna waxay ka heleen dhagaxuun badan oo yar yar gudaha kelidiisa midig.

“Qayb kamid ah dhagaxuunta ayaa dhulka ku dhacday markii uu socday qaliinka laga soo saarayay. Waxaanu ku qiyaasnay in ka badan 700 dhagaxuun yar yar ah,” ayuu yiri dhakhtar Prakash.

Isbitaalka ayaa hadda baari doona kiimiko ahaan nooca dhagaxuunta si loo ogaado waxa ku sababay bukaan Cabdiraxmaan, oo ah macalin Soomaali ah. Dhakhaatiirta ayaa u malaysay in uu yahay dhaxal, balse bukaanka ayaa sheegay in aysan jirin cid qoyskiisa ah oo sooyaal ahaan leh xaaladaaan oo kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*