Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo xadiday tan madaxweynaha

jawaari-iyo-shariif-xasan
Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo xadiday mida madaxweynaha. [Graphic: Puntland Mirror]
Baarlamaanka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Arbacadii asbuucii lasoo dhaafay doortay guddoomiyaha baarlamaanka, sida ay sheegayso awood qeybsiga siyaasadeed ee qabiilka ku salaysan, doorashadaasi waxay meesha ka saartay ugu yaraan mid kamid ah murashixiinta ugu waa-weyn madaxtinimada.

Dib u doorashada guddoomiyihii hore Maxamed Cumaan Jawaari ayaa maalinimadii Arbacada ka dhacday caasimada Muqdisho, isaga oo 141 cod ka helay 259 xildhibaan, taasoo awood u siisay wareegii kowaad ee doorashada in uu guuleysto, sida uu sheegay Cusmaan Cilmi Boqore oo ahaa guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee doorashada.

Qabiil ayaa lagu saleeyaa awood qeybsiga Soomaaliya, iyadoo saddexda jago ee u sareysa oo kala ah guddoomiyaha baarlamaanka, raysulwasaaraha iyo madaxweynaha ay u kala qeybsanyihiin qabiilooyinka waa-weyn.

Doorashada 71-jirka Jawaari, oo ah xubin kasoo jeeda qabiilka Digil iyo Mirifle, waxay ka dhigantahay in saaxiibkiis oo ay isku qabiil-yihiin, madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Shiikh Aadan ay ku khasbi doonto in uu ka haro tartanka madaxtinimada.

Murashixiinta harsan ayaa kasoo jeeda qabiilooyinka waa-weyn ee Hawiye iyo Daarood.

Madaxweynaha hadda xafiiska jooga Xasan Shiikh Maxamuud oo 61-jir ah, waa aqoonyahah iyo u dhaq-dhaqaaqe bulsho oo kasoo jeeda qabiilka Hawiye waxaana uu doonayaa in dib loo soo doorto.

Waxaa sidoo kale tartamaya Shariif Shiikh Axmed, oo ay isku qabiilyihiin madaxweyne Xasan, waana 52-jir horey u soo noqday guddoomiyihii Maxkamadaha Islaamiga ahaa kadibna uga soo tilaabay madaxweynaha Soomaaliya isaga oo xafiiska joogay afar sanno kahor inta uusan Xasan Shiikh kaga guuleysan 2012-kii.

Murashixiinta hoggaaminaya qabiilka Daarood ayaa kala ah raysulwasaaraha hadda xafiiska jooga Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo 56-sanno jir ah, waxaana uu labo jeer soo noqday raysulwasaare, iyo Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo loo yaqaan (Farmaajo) oo 55-sano jir ah oo isna raysulwasaare soo noqday. Labaduba waxay haystaan labo dhalasho iyaga oo sanado badan kunoolaa dalalka Canada iyo Mareykanka.

Soomaaliya ma aysan helin dowlad dhexe oo shaqaysa tan iyo 1991-dii oo awooda laga tuuray dowladdii milatariga ahayd ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

Loolanka qabiilooyinka iyo sharci la’aanta ayaa keentay in maleeshiyada Al-Shabaab ay la wareegaan inta badan koonfurta dalka iyaga oo dagaal dhiig badan ku daatay kula jira dowladda uu caalamku taageero ee Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore oo dowladdo kumeel gaar ah dalka dibadiisa lagu soo dhisay, ayaa markii ugu horeysay sanadkii 2012-kii dalka gudihiisa waxaa lagu dhisay xukuumada hadda wakhtigeedii dhammaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Si kastoo ay ahaataba, baarlamaanka cusub ee dhawaan la soo doortay oo ay weheliyaan xubnaha aqalka sare oo sanadkan la dhisay ayaa la filayaa in 28-da bishaan Janaayo ay dooran doonaan madaxweynaha xiga ee Soomaaliya.

(Qoraalkan oo ah fikrada wargeyska (editorial) waxaa qoray tifaftiraha guud ee warsidaha Puntland Mirror, Cabdi Cumar Bile)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*