Xisaad colaadeed oo ka taagan magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo. [Sawir Hore]

Ceerigaabo-(Puntland Mirror) Xiisad colaadeed ayaa ka jirta magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, halkaas oo xalay ciidamada maamulka Somaliland iyo dad shacab ah uu iska-horimaad ku dhexamaray.

Iska-horimaadka ayaa bilaabmay kadib markii ciidamada Somaliland ay damceen in ay dadka deegaanka ku khasbaan in ay ka qeybgalaan munaasibada asaaska maamulka Somaliland ee 18-ka May.

Ilo-wareedyo deegaanka ku sugan, ayaa sheegay in ciidanka Somaliland ay rasaas nool-nool u adeegsadeen dadka shacabka ah, taasoo keentay isku dhac labada dhinac ah oo dhalisay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Xaalada ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana laga yaabaa in ay dhacaan isku dhacyo kale.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*