Cabsi ku korodhay bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka kunool kadib weerarkii uu wiil Soomaaliyeed ku qaaday jaamacada Ohio

Cabdirisaaq Cali Cartan oo ah ninka qaaday weerarka jaamacada Ohio. [Sawirka: Twitter]
Cabdirisaaq Cali Cartan oo ah ninka qaaday weerarka jaamacada Ohio. [Sawirka: Twitter]
Bulshada Soomaaliyeed ee kunool Columbus Ohio iyo dhammaan Mareykanka oo dhan ayaa cabsi lasoo deristay kadib markii wiil Soomaali ahaa oo qaxooti ku ah wadankaas uu 11 qof ku dhaawacay weerar toorayeyn ah oo uu ku qaaday jaamacada Ohio State University oo uu arday ka ahaa.

Soomaalida ayaa ka cabsi qabta in ay wax soo dhaweyn ah ka helin dadka ay la noolyihiin ee Mareykanka.

Weerarka ayaa sidoo kale yimid wakhti madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump uu balanqaaday in uu joojin doono dadka soo galootiga ah ee ka imaanaya dalalka ay ka jiraan maleeshiyooyinka Islaamiga ah.

“Waxaanu la joognaa bulsho naxariis leh kuwaasoo noo ogolaaday in aan halkaan nimaano,” sida waxaa warbaahinta u sheegay Cabdilaahi Xasan oo ah 28-sanno jir maqaaxi ku leh magaalada Columbus.

Xasan ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uusan wakiil ka ahayn bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in dadka ay ku jiri karaan qaar xun.

Ninka weerarka geystay oo la dhihi jirey Cabdirisaaq Cali Cartan oo 20-sanno jir ahaa, ayaa waxaa toogtay sargaal booliiska kamid ah waxyar kadib markii gaari uu watay uu ku dhuftay koox arday ah oo jaamacada ku lugeynaysay kadibna ka booday gaariga isaga oo bilaabay toorayeyn.

Kooxda Dowlada Islaamiga ah (ISIS) ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse wali ma jirto wax cad oo muujinaya in Cartan uu xiriir la lahaa ISIS.

“Haddii Cartan uu ahaa mid lasoo tashkiiliyey, taasi shuqul kuma lahan bulshada Soomaaliyeed ee Columbus,” sidaa waxaa yiri Burhaan Axmed madaxa xarunta isku xirka bulshada Soomaaliyeed ee Columbus.

“Ameerika waxay badbaadisay Soomaalida. Ameerika waa meel diin walba laga xaq dhowro,” ayuu ku daray.

Waxa uu sheegay Burhaan in bulshada Soomaaliyeed iyo bulshooyinka Muslimiiinta ah ay isku dayayaan in ay baraan dhallaanka yaryar sidii loola dagaalami lahaa barobagaandada ay internetka kusoo gudbiyaan kooxaha sida ISIS.

Muxuu ka yiri Donald Trump weerarkaas

Qoraalka Donald Trump uu ku qoray boggiisa rasmiga ah ee.
Qoraalka Donald Trump uu ku qoray boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka.

Donald Trump  ayaa boggiisa Twitter-ka ku cabiray aragtidiisa weerarka jaamacada Ohio, waxaana uu sheegay in ninka weerarka qaaday ee qaxootiga Soomaaliga ah uusanba ahayn in uu dalka joogo.

Cartan, hooyadiis iyo saddex xubnood oo qoyskiisa ah ahaa tagay Mareykanka bartamihii 2014-ka, kadib markii ay todobo sanno ku qaateen xero qaxooti oo kutaala dalka Pakistan.

Kumanaan Soomaali ah oo uu Cartan kamidyahay ayaa Mreykanka deganaansho ka helay tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka bilaabmeen 1990-kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*