Ku dhawaad boqol maleeshiyo Al-Shabaab ah oo tagay deegaanada miyiga ah ee hoostaga magaalada Ceerigaabo

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]
Garowe-(Puntland Mirror) Ku dhawaad boqol maleeshiyo Al-Shabaab ah ayaa tagay deegaanada miyiga ah ee hoostaga magaalada Ceerigaabo ee waqooyi-bari gobolka Sanaag, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Maleeshiyada ayaa halkaas tagtay intii lagu guda jiray maalmihii dhawaa ee lasoo dhaafay, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

“Waxaanu aragnay boqol dagaalyahan oo Al-Shabaab ah kuwaas oo yimid halkan maalmihii dhawaa ee laga soo gudbay,” qof dadka deegaanka katirsan oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa sidaa u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Qofka ayaa intaas ku daray: “Dagaalyahanadu waa kuwo ku hubaysan qoryo, laakiin ma ay wataan baabuur.”

Ceerigaabo iyo deegaanada u dhow ayaa waxaa maamusha maamulka Somaliland.

Puntland ayaa Somaliland ku eedaysa in ay taageerto maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan Buuraha Galgala.

Maleeshiyadan ayaa loo maleynayaa in ay yihiin kuwii weerarka la eegtay saldhig ay ciidamada Puntland ku lahaayeen tuulada Af urur bishii lasoo dhaafay, oo lagu dilay ugu yaraan 40 askari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*