Air Djibouti oo shil ku gashay garoonka diyaaraddaha Garoowe, ma jirto wax khasaare ah

Diyaaradda oo mid kamid ah lugaheeda uu burbur soo gaaray. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Diyaaradda Air Djibouti ayaa maanta oo Arbaco ah shil ku gashay garoonka diyaaraddaha ee Garoowe, sida ay sheegeen masuuliyiinta garoonka iyo maamulka diyaaradda.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa ka baxday dhabaha kadib cilad ku timid mid kamid ah lugaheeda, sida qoraal ay Boggooda Facebook ku sheegeen maamulka Air Djibouti.

Dhammaan rakaabkii saarnaa oo ahaa 39 rakaab ah iyo shan shaqaalaha diyaaradda ah ayaan wax dhiibaato ah soo gaarin.

Diyaaradda ayaa ku sii jeeday magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*