Ugu yaraan 21 qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay kaniisad kutaala magaalada Tana ee dalka Masar. [Xigashada Sawirka: EPA]Qaahiro-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay qarax ka dhacay gudaha kaniisad kutaala magaalada Tanta ee gobolka Nile Delta, sida ay ku warameen warbaahinta maxaliga ah ee Masar.
Kaniisada qaraxa lala beegsaday ayaa la dhahaa Mar Girgis sidoo kale loo yaqaan St George, iyadoo hadalkaas ay ku sugnaayeen dad xusitaan ku jiray.
Ugu yaraan 50 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo dhacay maanta oo Axad ah.
Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada qaraxa lamana oga nooca uu ahaa qaraxu.
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com
Be the first to comment