Kolonyo katirsan ciidamada Soomaaliya oo Al-Shabaab ay qarax gaari kula beegsatay Afgooye

Kolonyo katirsan ciidamada Soomaaliya oo Al-Shabaab ay qarax gaari kula beegsatay Afgooye. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Gaari uu waday qof qarax isku xiray ayaa beegsaday kolonyo ciidan duleedka Muqdisho maanta oo Talaado ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters, oo soo xiganaysa saraakiil booliis.

Weerarka ayaa ka dhacay Afgooye, oo ah magaalo beereed 30 kiilo mitir dhanka waqooyi-bari ka xigta Muqdisho, sida lagu sheegay warbixinta Reuters.

Waxaa jira khasaare ka dhashay weerarka, laakiin tirada saxda ah weli ma cada.

Sida ay ku warameen warbaahinta taageerta Al-Shabaab, maleeshiyada ayaa sheegtay in ay iyagu qaadeen weerarka, waxayna intaas ku dareen in ay dhowr askari ku dileen qaraxa, balse maahan mid si madax-banaan loo xaqiijin karo.

Kolonyada weerarka lala beegsaday ayaa ahaa ciidamada Soomaaliya ee uu Mareykanku tababaro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*