Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xarunta dowladda hoose ee magaalada Gaalkacyo

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xarunta dowladda hoose ee magaalada Gaalkacyo. [Sawirka: Archive]
Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xarunta dowladda hoose ee magaalada Gaalkacyo. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ciidamo gadoodsan ayaa maanta oo Khamiis ah la wareegay xarunta dowladda hoose ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, sida ay ilo-wareedyo sheegayaan.

Ciidamada ayaa ka xanaaqsan kadib markii dowladdu ay ku guuldareysatay in ay bixiso mushaarkooda muddo ka badan hal sanno, sida ay ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Tani ayaa imaanaysa wax ka yar saacado kadib markii ciidamo dalbanaya mushahaar ay qabsadeen kantaroolada koonfureed iyo bari ee magaalada Garoowe.

Labadii sanno ee u dambaysay, magaalooyinka Puntland ayaa goobjoog u noqday gadood ka dhashay mushahaar la’aan soo wajahday ciidamada iyo duruufo kale.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*