Ugu yaraan 2 qof oo ku dhimatay miinada dhulka lagu aaso oo ka dhacday makhaayad Shaah oo kutaala Muqdisho

muqdisho
Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Sawirka: Archive.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan labo haween ah ayaa ku dhimatay shan kale in ka badana waa ay ku dhaawacmeen qarax miinada dhulka lagu aaso oo ka dhacday makhaayad shaah oo kutaala degmada Kaaraan ee caasimada Soomaaliya Muqdisho maanta oo Khamiis ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaas, sida ay qoreen warbaahinta Online-ka ee taageerta kooxda, Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa ay la bartilmaameedsadeen ciidamo dowlada Soomaaliya ah.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*