ISIS oo sheegtay in askari katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya ay ku dishay Muqdisho

ISIS ayaa sanadkii 2015-kii ku dhawaaqday in ay joogto gudaha Soomaaliya. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada ISIS ayaa sheegtay in askari katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya ay ku dileen caasimada Soomaaliya ee Muqdisho maanta oo Talaado ah, sida ay sheegtay warbaahinta ISIS.

Warbaahinta Acmaaq oo ku hadasha afka ISIS ayaa baahisay sawir muujinaya dagaalyahan katirsan ISIS oo tooganaya askariga booliiska ah gudaha degmada Hodan ee Muqdisho.

Xagjiriinta ISIS ayaa ku dhuumanaya deegaano katirsan gobolka Bari ee Puntland waxayna u muuqataa in ay isku dayayaan in ay ku fidaan gudaha Soomaaliya oo dhan tan iyo sanadkii 2015-kii markaas oo ay ku dhawaaqeen garabkooda Soomaaliya.

Dhowr weerar oo hore ayaa ISIS ka geysatay guudaha magaalada Boosaaso sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay.

Bishii Oktoobar ee sanadkii 2016-kii dagaalyahano ka katirsan ISIS ayaa qabsaday magaalo xeebeedka Qandala balse bishii December ee isla sanadkaas ayaa ciidamada Puntland dib u la wareegeen.

Muuqaalo hore oo ay sii deysay ISIS ayay ku sheegatay masuuliyada weeraro qorsheysan oo ay ka geysatay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*