In ka badan 200 arday oo ka qalinjabisay Jaamacadda Boosaaso faraceeda Garoowe

Ardayda ka qalinjabisay Jaamacadda Boosaaso faraceeda Garoowe oo dabaaldegaya munaasabadda. [Xigashada Sawirka: Facebook/University of Bosaso – Garowe Campus]
Garoowe-(Puntland Mirror) In ka badan 200 oo arday ayaa maanta oo Axad ah ka qalinjabisay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Boosaaso faraceeda kuyaala magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Munaasabadda qalinjabinta oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta cusub ee Jaamacadda, waxaan kasoo qeybgalay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo boqolaal qof oo kale oo ay ku jiraan masuuliyiin dowladeed iyo shacab.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa hambalyo u diray ardayda qalinjabisay, waxaana uu boggaadin u jeediyay maamulka Jaamacadda.

“Aaad iyo aad ayaan uga mahad naqaynaa marti qaadka aad nagu marti qaadeen xalfadan farxada badan quruxda badana, waana ka mahadnaqeynaa intii soo abaabushey iskuna xilqaantay, waxaan aad iyo aad ugu farxsanahay halsano ka hor markaanu xagaan dhagax dhignaey farca jaamacadda Boosaaso ee Garoowe. Halsano kabacdi qalin jibin iyo jaamacaddii oo dhameystiran inaan maanta iskugu nimid waan ku bogaadinaya maamulka jaamacadda Boosaaso, Marka ugu horeysa waxaan u hambalyeenayaa dhalinyarada Gabdho iyo Wiilal ba leh ee maanta ka qalinjibiyey jaamacadda waxaan idin leeyahay hambalyo,”

Madaxweynaha ayaa ardayda qalinjabisay ku dhiirigeliyay in ay dadkooda u shaqeeyaan.

“Waa in aad cilmigiina iyo xirfadiina ku anfacdaan dadkiina, qof walba oo idiin kamid ahna kaalin buu ku leeyahay uu kaga qeybqaato howl maalmeedyada”

Kasoo qeybgalayaasha ayaa waxaa sidoo kale kamid ah wedi kayimid Jaamcado dibada ah oo xiriir la leh Jaamacadda Boosaaso, oo ay kamid ahaayeen Mount Kenta University iyo Islamic University in Uganda

Jaamacadda Boosaaso oo faraceeda Garoowe la furay sanadkii 2013-ka, ayaa horumar balaaran sameysay mudadii ay jirtay. Waxaana sanadkii 2017-ka noqotay Jaamacadda ay ardada ugu badan iska diwaangasheen gudaha magaalada Garoowe, marka loo bar-bardhigo jaamacadaha kale ee maxaliga ah, sida uu ogaaday warsidaha Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*