
Qahira-(Puntland Mirror) Kooxda ka dagaalanta dalka Suuriya ee al-Nusra, sidoo kale loo yaqaan jabhada al-Nusra ayaa iclaamisay in ay ka go’aday urur weynaha al-Qaacida.
Hoggaamiyaha kooxda Abu Maxamed al-Julani ayaa fariintiisii kowaad oo muuqaal ah ku sheegay in magacooda uu noqon doono Jabhat Faatix al-Shaam [jabhada furashada Suuriya].
Waxaa loo malaynayaa in kooxda ay rajayn doonto in ay xiriir la samaysato kooxaha kale ee hubaysan ee ka dagaalama dalka Suuriya.
Jabhada ayaa saddexdii sanno ee u dambaysay ka dagaalamysay dalka Suuriya, iyadooda u jeedadoodu tahay in ay dowlada Islaami ah ka dhisaan halkaas.
Al Nusra oo ahayd kooxda ugu ciidamada badan kooxaha kasoo horjeeda xukuumada Madaxweyne Bashaar al-Assad ayaa lagu magacaabi jiray garabka al-Qaacida ee gudaha Suuriya.