Jabhada Al Nusra ee Suuriya ka dagaalanta oo iclaamisay in ay ka go’een urur weynaha al-Qaacida

Al-Nusra leader
Hoggaamiyaha kooxda Al Nusra Abu Maxamed al-Julani . Sawirka: AFP.

Qahira-(Puntland Mirror) Kooxda ka dagaalanta dalka Suuriya ee al-Nusra, sidoo kale loo yaqaan jabhada al-Nusra ayaa iclaamisay in ay ka go’aday urur weynaha al-Qaacida.

Hoggaamiyaha kooxda Abu Maxamed al-Julani ayaa fariintiisii kowaad oo muuqaal ah ku sheegay in magacooda uu noqon doono Jabhat Faatix al-Shaam [jabhada furashada Suuriya].

Waxaa loo malaynayaa in kooxda ay rajayn doonto in ay xiriir la samaysato kooxaha kale ee hubaysan ee ka dagaalama dalka Suuriya.

Jabhada ayaa saddexdii sanno ee u dambaysay ka dagaalamysay dalka Suuriya, iyadooda u jeedadoodu tahay in ay dowlada Islaami ah ka dhisaan halkaas.

Al Nusra oo ahayd kooxda ugu ciidamada badan kooxaha kasoo horjeeda xukuumada Madaxweyne Bashaar al-Assad ayaa lagu magacaabi jiray garabka al-Qaacida ee gudaha Suuriya.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*