Sideed qof oo ku dhimatay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxa saldhiga Waaberi Muqdisho. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Qof ismiidaamiye ah ayaa sideed qof ku dilay qarax ka dhacay saldhiga booliis oo kuyaala Muqdisho fiidnimadii Isniinta, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.

Qofka ismiidaamiyaha ahaa oo xirnaa jaakada qarax ayaa isku dayay in uu gudaha u galo balse waxaa horjoogsaday ilaalada kadibna waa uu is qarxiyay, isaga oo dilay sided qof oo ay kamid ahaayeen labbo sargaal booliis, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Labada sargaal ee qaraxa ku dhimatay ayaa mid waxa uu ahaa taliyihii saldhiga Waaberi ee weerarka uu ka dhacay.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas lala beegdsaday saldhiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*