Isku xiraha xafiiska bini’aadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Peter de Clercq ayaa sheegay in ka badan 100 dhacdo in lala bartilmaameedsaday shaqaalaha gargaarka sanadkan oo keliya, iyadoo afar kamid ahna la dilay.
“Gudaha Soomaaliya, shaqaalaha caafimaadka iyo gargaarka, kuwaasoo ka shaqeeya daryeelana dadka ayaa waxaa saameysay dhibbaatooyin keenay in la bartilmaameedsado. Daawooyin iyo agab gargaar ayaa la boobay,” ayuu yiri de Clercq.
Si kastoo ay ahaataba, De Clercq ayaa ammaanay shaqaalaha gargaarka kuwaasoo halis naftooda u gashay sidii ay ku caawin lahaayeen dadka dhibbaataysan.
Maalinta Bini’aadanimada ayaa laga xusaa adduunka sanad walba 19 Agoosto si loogu tacsiyeeyo shaqaalaha gargaarka kuwaasoo naftooda u huray adeegyada bini’aadanimada.