Dhawaaqa madaafiicda oo laga maqlay magaalada Gaalkacyo iyadoo lagu guda jiro dalbasho xabad-joojin

Baabuur gaashaaman oo ay leeyihiin ciidamada Puntland oo ku sugan gobolka Mudug. [Sawirka: Puntland Mirror]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Dhawaaqa madaafiicda ayaa laga maqlay dhinaca koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug galabta oo Isniin ah, sida uu sheegay qof dadka deegaanka ah.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in dhawaaqa madaafiicda laga maqlayo duleedka koonfureed ee magaalada, meel u dhow dhufaysyada xoogaga kala taageersan Puntland iyo Galmudug.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay iska hor imaadyo dhexmaray Puntland iyo Galmudug asbuucii hore.

Xiisada ayaa imaanaysa iyadoo lagu guda jiray baaq xabad-joojin oo ay hormuud ka yihiin odayaasha dhaqanka ee gobolka Mudug.

Wixii faahfaahin ah oo cusub waanu idin la socod-siin doonaa.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*