Al-Shabaab oo toogatay shan nin oo ay ku eedeeyeen basaasnimo

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa Talaadadii fagaare ku toogatay shan nin, oo uu ku jiray muwaadin Soomaali ah oo heysta dhalashada Britain oo ay ku eedeeyeen basaasnimo.

“Shanta nin ayaa si fagaare ah loo toogtay saakay kadib markii ay qirteen basaasnimo maxkamada kahor,” sidaa waxaa yiri Maxamed Abu Cabdalla, oo ah guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobolada Jubbooyinka.

“Cawaale Axmed Maxamed, oo 32 jir ah ayaa jaajuus u ahaa MI6 waxaana uu ka yimid Britain si uu u abuuro Dowlad Islaami ah,” guddoomiyaha ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka Reuters.

Saddex kamid ah nimanka la toogtay ayaa jaajuus u ahaa Mareykanka waxayna gacan ka geysteen hagida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka si ay duqeymo uga fuliyaan gudaha Soomaaliya, halka ninka afraad uu jaajuus u ahaa dowladda Soomaaliya, sida uu sheegay guddoomiyaha katirsan Al-Shabaab.

 

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*