In ka badan 240 qof oo muhaajiriin ah oo laga cabsi qabo in ay ku dhinteen doonyo ku dagay badda Libya

Muhaajiriin la badbaadinayo. [Sawirka: AFP]
Rome-(Puntland Mirror) In ka badan 240 qof ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen labo doonyood oo ku haraqmay badda Libya, sida ay sheegtay haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.

Carlota Sami, oo ah afhayeenka haayada UNHCR oo fadhigeedu yahay magaalada Rome, ayaa sheegay maanta oo Arbaco ah in warbixinta ku saabsan in dad kasoo badbaaday shilkaas la geeyay dhanka bariga jasiirada Lampedusa.

In ka badan 4,200 oo muhaajiriin ah ayaa ku dhimatay safarka khatarta ah ee badda Mediterranean sanadkan, sida uu sheegaay Leonard Doyle oo ah afhayeenka Haayada Caalamiga ah ee Muhaajiriinta.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in sanadkan 2016-ka uu noqon doono kii ugu dhimashada badnaa ee safarka muhaajiriinta badda Mediterranean-ka.

Ku dhawaad 330,000 muhaajirin ah ayaa kasoo gudbay badda ilaa iyo sanadkan, marka loo barbardhigo sadankii hore ee 2015-ka oo ay ahaayeen hal milyan.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*