Huteel qurux badan oo laga furay gudaha magaalada Garoowe

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cumar Camay oo xariga ka jaray furitaankii huteel Grand ee Garoowe. [Xigashada Sawirka: Puntlandi]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cumar Camay ayaa huteel qurux badan ka furay gudaha magaalada Garoowe xalay oo Sabti ahayd.

Huteel Grand ayaa kamid ah kuwa ugu quruxda badan gudaha magaalada, kaasoo ay maalgeliyeen qurbajoogta dalka kusoo laabanaysa.

Isaga oo ka hadlayay munaasabadii furitaanka, Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in huteelka uu calaamad u yahay horumarka magaalada.

Munaasabada dhexdeedii, mulkiilayaasha huteelka ayaa sheegay in huteelku uu martidiisa siin doono adeeg lamid ah kuwa ay bixiyaan huteelada kuyaala wadamada horumaray.

Huteelka ayaa leh qolol qurux badan oo ay ku xiranyihiin taleefishino iyo adeeg internet oo bilaash ah, makhaayad iyo meherad shaah.

Intii lagu guda jiray sanadadii dhawaa ee laga soo gudbay, magaalada Garoowe ayaa soo jiidatay maalgeliyeyaasha kuwaasoo raba in ay maalgashi ka sameystaan gudaha Garoowe.

Shirkado ganacsi oo cusub, dukaamo, meherado shaah iyo makhaayado ayaa laga furay gudaha Garoowe sanadadii u dambeysay.

About Shafei Osman Yusuf 19 Articles
A Puntland Mirror columnist focuses on issues related to social development. Shafei holds a bachelor of public administration from Puntland State University (PSU) and a bachelor of education from Islamic University in Uganda (IUIU). You can reach him on: shaafiyare2011@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*