Dhismaha derbiga xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya oo si kumeelgaar ah loo joojiyay

Dhismaha derbiga xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya oo si kumeelgaar ah loo joojiyay. [Xigashada Sawirka: Daily Nation]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dhismaha debiga xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa si kumeelgaar ah loo joojiyay.

Guddoomiyaha Mandheera ee Kenya Cali Rooba iyo guddoomiyaha Gedo ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa maanta oo Jimce ah kulmay waxayna sheegeen in labada dal ay isku raaceen in si kumeelgaar ah loo joojiyo dhismaha si loo sii waddo wadaxaajoodka u dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale kulmi doona dhawaan si ay uga wadahadlaan xaalada derbiga ay Kenya ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya, sida ay sheegeen guddoomiyaashu.

Maalmihii lasoo dhaafay xiisad ayaa ka taagneyd magaalada Beled Xaawo kadib markii Kenya ay halkaas dib uga bilowday derbi u dhaxeyn doona xuduuda labada dal. Dadka deegaanka Beled Xaawo ayaa aad uga carooday derbi dhisida Kenya iyaga oo ku eedeynaya in ay soo gashay qeyb kamid ah dhulka Soomaaliya.

Kenya ayaa dhismaha derbigaas oo dhererkiisu dhanyahay 440-km bilowday bishii Maarso ee sanadkii 2015, iyaga oo ku andacoonaya in uu joojin doono weerarada joogtada ah ee maleeshiyada Al-Shabaab ay ka geysato gudaha dalka Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*