Golaha wasiiradda Soomaaliya oo taliye cusub u magacaabay Ciidamada Xooga Daalka

Golaha wasiiradda Soomaaliya. [Isha Sawirka: OPM]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay magacaabida taliyaha cusub ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay Janaraal Ibraahim Shiikh Muxyadiin kadib soo-jeedinta Wasaaradda Gaashaandhiga.

Taliyaha cusub ayaa bedeli doona Odowaa Yuusuf Raageh kaasoo xilka hayay sanadihii la soo dhafay. Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Janraal Ibraahim Shiikh Muxyadiin Caddow, ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan oo ay kamid yihiin taliyaha ilaalada ciidanka xoogga dalka ee madaxtooyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*