Shirka ayaa looga hadli doonaa xaaladaha ammaan iyo aadanimo eek a jira gobolka.
Inta uu safarkiisa ku guda jiro, Xasan Cali Khayre ayaa la filayaa in uu kulan la yeelan doono madaxda shirka ka qeybgalaysa.
Waa safarkii ugu horeeyay oo uu Itoobiya ku tago tan iyo markii loo doortay Raysulwasaaraha Soomaaliya dabayaaqadii bishii Febaraayo ee sanadkan.