Xanuunka COVID-19 oo soo laba kacleeyay gudaha Soomaaliya

Xarun lagu tacaalo COVID-19 oo kutaala Muqdisho. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xanuunka COVID-19 ayaa soo laba kacleeyay gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sagaal qof ayaa u geeriyootay fayruska halka 100 kiis oo cusub la helay 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Shaqaalaha dowladda ayaa lagu amray in ay guryahooda ka soo shaqeeyaan laga bilaabo 16-ka bishan Febaraayo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bilihii u dambeeyay xanuunka ayaa u muuqday in uu hoos u dhacayay gudaha Soomaaliya, balse intii la galay xilliga qaboobaha ayuu kordhay.

Tan iyo markii uu dilaacay COVID-19, Soomaaliya ayaa diiwaangelisay 5,373 oo kiis, halka 163 qof ay u geeriyoodeen fayruska, sida ay sheegayso xog-dhigista Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*