Garoowe-(Puntland Mirror) Koox ajnabi ah oo loo malaynayo in ay ka soo jeedaan Imaaraatka Carabta kuwaasoo uu wado Xasan Cabdullaahi Deni, oo walaal la ah madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa deegaanka Birta-dheer oo qiyaastii 45-km dhanka galbeedka kaga beegaan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, sida dadka deegaanka ay u sheegeen bog-wareedka Puntland Mirror.
Ujeedka ay halkaas u tageen lama xaqiijin, balse ilo-wareedyo deegaankaas ku sugan oo magacooda ka gaabsaday ayaa sheegay in kooxdu ay rabto in ay howlo macdan baaris ah ka sameeyaan deegaanka Birta-dheer oo hoostagta Garoowe. Si faahfaahin dheeri ah aan u helno, Puntland Mirror oo isku dayay xiriirka masuuliyiin dowladda Puntland katirsan ayaan suuragelin.
Kooxda oo la kulmay dadka deegaanka Birta-dheer ayay u sheegeen in ay u samaynayaan barnaamijyo horumarineed sida riigag, layrar iyo adeegyo kale, sida ay sheegeen ilo-wareedku.
Ilo-wareedyo kale oo arrimaha macdan baarista xog-ogaal u ah ayaa Puntland Mirror u sheegay in kooxdan ay horey u rabtay in ay macdan baaris ka sameeyaan deegaano kuyaala gobolada Bari iyo Sanaag halkaas oo dadka deegaankaas ay ka soo hor-jeesteen.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo dhawaan ka hadlayay soo bandhiga qorshaha 5-sanno ee Puntland ayaa sheegay in loo baahanyahay in xooga la saaro dhoofinta dhinacyada macdanta iyo kalluunka.