Haayada Human Rights Watch oo ka codsatay AMISOM in ay baaraan dilka 14 qof oo lagu dilay sanadkii tagay deegaanka Wardiinle ee gobolka Bay

Haayada Human Rights Watch oo ka codsatay AMISOM in ay baaraan dilka 14 qof oo lagu dilay sanadkii tagay deegaanka Wardiinle ee gobolka Bay. [Sawirka: Archive]
Laetitia Bader, cilmi-baarto ka tirsan haayada HRW.. [Sawirka: Archive]
Nairobi-(Puntland Mirror) Haayada Human Rights Watch ayaa u sheegtay Howlgalka Midowga Afrika ee gudaha Soomaaliya in ay qaataan masuuliyada ku aadan dhacdo ka dhacday gudaha koonfurta Soomaaliya, taasoo ay ku dhinteen 14 qof oo shacab ah.

Human Rights Watch (HRW) ayaa shalay oo Arbaco ahayd sheegtay in AMISOM ay sii daayaan natiijada baaritaanka dilkii dhacay bishii Luulyo ee sanadkii lasoo dhaafay.

Dhacdadaas, ayaa ciidamada AMISOM rasaas ku fureen dad quraan ku akhrinayay qof jiran gudaha deegaanka Wardiinle ee gobolka Bay, taasoo lagu dilay 14 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan qaraabada bukaanka iyo macalimiin quraan.

“Dhimashada odayaal dhaqameed, macalimiin iyo wadaado oo lagu baaba’shay gudaha deegaanka Wardhiinle lama cadayn dhacdadaas,” sidaa waxaa bayaan ku yiri Laetitia Bader oo ah cilmi-baarto ka tirsan haayada HRW.

Waxay intaas ku dartay: “AMISOM iyo masuuliyiinta Itoobiya waxay u baahanyihiin in ay qabtaan ciidamadooda si loo faahfaahiyo sii daynta waxa kasoo baxa baaritaankooda, lana xaqiijiyo dambiilayaasha in la horkeeyo cadaalada magdhowna la siiyo dhibanayaasha.”

HRW ayaa sheegtay in ciidamada ku lug lahaa dhacdadaas ay jabiyeen sharciga caalamiga ah ee insaanimada waxayna u sheegtay dowladda Itoobiya in ay maxkamadeyso kuwa ka masuulka ah.

Ciidamada Itoobiya oo katirsan howlgalka AMISOM ayaa geystay toogashadaas lagu laayay dadkaas rayidka ahaa.

Ugu dambayna HRW ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo kulmi doona beri oo Jimce ah in ay ka doodaan xaalada gudaha Soomaaliy, iyo deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ee taageera AMISOM si la iskula meel dhigo muhiimada hubinta in AMISOM ciidamadoodu xaqiijiyaan akhlaaqiyaadka xuquuqul insaanka ayna u istaagaan waajibaadkooda.

Saraakiisha AMISOM wali kama aysan hadlin hadalka kasoo baxay haayada HRW.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*