MSF oo joojinaysa adeegyadii caafimaad ee isbitaalka Laascaanood

Baabuur gurmadka deg-dega ah iyo calanka MSF. [Sawir Hore]

Laascaanood-(Puntland Mirror) Haayada Dhaqaatiirta aan Xuduuda Lahayn (MSF) ayaa sheegtay in ay go’aan ku gaartay in ay ka baxdo isbitaalka Laascaanood sababo xasilooni daro siyaaday iyo dhacdooyin amni oo soo noqnoday kuwaasoo saamayn u geysatay bixinta adeega caafimaad.

“Weerarada soo noqnoqda ee xarumaha caafimaadka iyo heerka rabshadaha ba’an ee Laascaanood ayaa gaaray heer ay MSF aysan awoodin inay bixiso daryeel caafimaad. Ilaalinta iyo badbaadada bukaanka, daryeelayaashooda, iyo shaqaalaha caafimaadka lama dammaanad qaadayo.” Ayay MSF ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay maanta oo Isniin ah.

Waxay intaas ku dartay “Dhacdadii u dambaysay ee 8-dii July, ayaa cisbitaalka guud ee Laascaanood lagu duqeeyay, kaas oo sababay dhaawac soo gaadhay shaqaalaha caafimaadka iyo daryeelayaasha. Dagaalka ayaa sidoo kale waxaa uu burburiyay Gaari Ambalaasta ah waxaana uu sababay in la xiro qeybta hooyada iyo dhallaanka ee Isbitaalka. Waa dhacdadii shanaad tan iyo markii uu bilaabmay dagaalku 6-dii February ee sanadkan. Dagaaladii hore ee Laascaanood ka dhacay ayaa sidoo kale galaaftay nolosha shaqaale caafimaad iyo kuwo mutadawiciin ah oo taageeraya gurmadka caafimaad ee dadka ku dhaawacmay dagaalka.”

MSF ayaa sheegtay in ka sii shaqaynayso gobolka gaar ahaan deegaanka Kalabaydh, oo qiyaastii 40-km dhanka koonfurta kaga beegan Laascaanood.

Haayada ayaa tan iyo bishii May 2019 ka howlgalaysay isbitaalka Laascaanood ee gobolka Sool.

Somaliland ayaa duqeymo ku beegsanaysay isbitaalka Laascaanood tan iyo bishii February markaas oo uu qarxay dagaalka weli socda ee u dhaxeeya ciidamada SSC-Khatumo iyo kuwa Somaliland oo magaalada 16-sano ay haysteen magaalada laga saaray dabayaaqadii February, balse weli ku sugan duleedka magaalada gaar ahaan deegaanka Goojacade oo ay ku leeyihiin saldhiga ugu weyn.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*