
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Guddoomiyihii ururka haweenka Gobolka Mudug ee Puntland Dhudi Yuusuf Aadan ayaa caawa lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo.
Marxuumada ayaa waxaa toogasho ku dilay koox baastoolado ku hubaysan wakhtigii maqribka kadib sida ay Puntland Mirror u xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Dhudi ayaa aad looga yaqiin magaalada Gaalkacyo iyadoo kaalin weyn ka qaadatay howlaha horumarinta iyo amaanka ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Wali lama oga cidda ka dambaysa dilkaas.
Wixii kusoo kordha warkaas dhawaan baan idiin soo gudbin doonaan.