Bankiga Adduunka oo $40 milyan Soomaaliya u ansixiyay si ay ula dirirto ayaxa

Dooxo ayax uu ku habsaday gudaha Soomaaliya. [Isha Sawirka: Reuters]
Washington-(Puntland Mirror) Bankiga Adduunka ayaa $40 milyan u ansixiyay Soomaaliya si ay uga caawiso dagaalka ka dhanka ah ayaxa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay deyn-bxiyaha maanta oo Talaado ah.

“Ayaxa ayaa si daran u saameeyay hab-nololeedka ku dhawaad 2.6 milyan oo kunool afartan iyo saddex degmo oo kuyaala gudaha Soomaaliya. Waaxda beeraha ayaa laf dhabar u ah dhaqaalaha waxayna ku kacdaa qiyaastii 75 boqolkiiba GDP.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Horaantii bishii Febaraayo 2020, Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ayaxa uu noqday xaalad deg-deg oo qaran markii ugu horeysay rubuc qarni. Waxayna sheegtay in uu khatar weyn ku yahay xaalada cunada dalka oo horeyba u liidatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*