Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Garoowe

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi ayaa ku dhaawacmay qarax caawa fiidkii ka dhacay gudaha magaalada Garoowe

Qaraxa oo ahaa qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qaxiyay gaariga guddoomiyaha xilli uu marayay bartamaha magaalada gaar ahaan meel u dhow saldhiga ciidaanka booliiska Garoowe, sida warsidaha Puntland Mirror ay u sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.

Guddoomiyaha ayaa la geeyay isbitaalka Garoowe halkaas oo hadda xaaladiisa lagula tacaalayo.

Saddex qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Garoowe, sida ay ku warantay Radio Al Andalus oo taageerta maleeshiyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*