Madaxweynaha Puntland oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Mudug

Cabdiladiif Muuse Nuur. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah Cabdiladiif Muuse Nuur oo loo yaqaan Sanyare u magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug, sida lagu sheegay digreeto ka soo baxday madaxtooyada.

Sanyare, oo horey u soo noqday xildhibaan katirsan baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ah walaalka Axmed Muuse Nuur, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug oo lagu dilay weerar qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Gaalkacyo bishii May.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*