Wasiirka warfaafinta DFS oo ku baaqay in ciidamo la geeyo magaalada Gaalkacyo

Maareeye1
Wasiirka warfaafinta dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. [Sawirka: sreenshot]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka warfaafinta dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku baaqay in dowlada federaalka Soomaaliya ay ciidamo geyso magaalada Gaalkacyo, si ay u kala dhexgalaan colaada ka jirta magaalada Gaalkacyo ee u dhaxaysa maamulada Puntland iyo Galmudug.

“Waxaa la farayaa ciidamada qalabka sida gaar ahaan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, dowlada Soomaaliyeed waxay faraysaa anoo ku hadlaya magaca raysulwasaaraha in ay geeyaan magaalada Gaalkacyo wixii ciidan ah oo ay u heli karaan ee awood u leh in uu kala dhexgalo colaada ka jirta magaalada Gaalkacyo  iyo agagaarkeeda,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

“Sidoo kale dowlada waxay ugu baaqaysaa waxgaradka Soomaaliyeed sida salaadiinta, culimada u diinka in ay kala dhexgalaan dadkaas walaalaha ah,” ayuu ku daray Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay dagaalo dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo u dhaxeeyay maamulada Puntland iyo Galmudug.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*