Mareykanka oo cuno-qabatayn ku soo rogay hoggaamiye sare oo katirsan maleeshiyada ISIS ee ku sugan Puntland

Maleeshiyada ISIS ayaa ku dhuumanaya gobolka Bari. [Sawirka: Furat]
Garoowe-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa cuno-qabatayn ku soo rogay hoggaamiye sare oo katirsan maleeshiyada ISIS ee ku sugan Puntland, Soomaaliya, sida Talaadadii ay bayaan ku sheegtay Xafiiska Hantidhowrka ee Ilaalinta Hantida Dibadda.

Bayaanka dhexdiisa, Mareykanka ayaa sheegay in uu liiskiisa cuno-qabataynta argagixisada caalamka ku daray Mahad Macalin oo Soomaali ah.

Waxa uu dhowr boos kasoo qabtay ururka ISIS ee Puntland sida madaxa maxkamada ISIS, sida saraakiisha sirdoonka Puntland ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Mahad Macalin ayaa loo maleynayaa in uu hadda yahay ku xigeenka Cabdiqaadir Muumin, oo ah hoggaamiyaha maleeshiyada ISIS ee Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*