Ku dhawaad 16 qof oo ku dhaawacantay qaraxii ka dhacay Muqdisho oo loo duuliyay dalka Turkiga

Madaxweyne Farmaajo ayaa sagootiyay dhaawacyada loo qaaday Turkiga. [Isha Sawirka: Villa Somalia]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ku dhawaad 16 qof oo ku dhaawacantay qaraxii ka dhacay Muqdisho ayaa loo duuliyay dalka Turkiga si halkaas loogu daaweeyo, sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda.

Subaxnimadii Axada, diyaarad weyn oo qaada xamuulka oo ay leeyihiin milatariga Turkiga ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho si ay u qaato dadka dhaawaca ah.

Diyaarada ayaa sidoo kale la sheegay in ay qaaday meydka labo nin oo u dhashay Turkiga oo kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxa.

Ku dhawaad 79 qof oo u badan dad shacab ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho Sabtidii.

Qaraxa ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay caasimada Soomaaliya sanadkan sii dhammaanaya ee 2019.

Al-Shabaab oo qaraxyo kan lamid ah ka fulisay gudaha Muqdisho ayaan sheegan masuuliyada, iyadoo kooxdan aysan sheegan qaraxyada ay geysato ee khasaaraba badan u geysta dadka shacabka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*