Madaxweyne Farmaajo oo u balanqaaday abaal-marin dhan $100,000 cidii soo sheegta macluumaad ku saabsan gaari lagu sameynayo walxaha qarxa

Madaxweyne Farmaajo oo u balanqaaday abaal-marin dhan $100,000 cidii soo sheegta macluumaad ku saabsan gaari lagu sameynayo walxaha qarxa. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Madaxweyne Farmaajo oo u balanqaaday abaal-marin dhan $100,000 cidii soo sheegta macluumaad ku saabsan gaari lagu sameynayo walxaha qarxa. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa booqday dhibanayaashii ku dhaawacmay qarax gaari oo shalay oo Sabti ahayd ka dhacay suuq kuyaala gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaasoo hadda lagu dabiibayo isbitaalada kala duwan ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bukaanada aan dalka waxba looga qaban Karin ay u diri doonaan daaweyn caafimaad oo dibada ah.

Sidoo kale, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa balanqaaday in uu ku abaal marin doono $100,000 (boqol kun oo dollar) cidii keenta macluumaad lagu qabanayo kuwa soo qorsheeya qaraxyada baabuurta.

Ugu yaraan 39 qof ayaa ku dhimatay qarax gaari oo shalay oo Sabti ahayd ka dhacay suuq mashquul badan oo kuyaala degmada wadajir ee gudaha Muqdisho.

Sida ay sheegeen goobjoogayaashu, qaraxa ayaa dhacay intii lagu guday jiray saacadihii dukaamaysiga ee suuqa.

Intooda badan dadka dhintay ayaa ahaa rayid.

Ma jirto cid sheegatay weerarka shalay oo Sabti ahayd, balse Muqdisho ayaa aragtay weeraro badan oo dhimasho leh oo ay masuuliyadooda sheegatay ururka hubaysan ee Al-Shabaab intii lagu guda jiray bilowga sanadkan 2017-ka.

Labo maalmood kahor, sargaal sare oo Al-Shabaab katirsan oo wareysi siiyay warbaahinta ku dhow ururka ayaa sheegay in ay dagaal ka adag kii hore la geli doonaan dowladda cusub ee madaxweyne Farmaajo.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*