Baarlamaanka Puntland oo doortay 11-ka xubnood ee ku matalaya aqalka sare Soomaaliya

Baarlamaanka Puntland oo cod gacantaaga u qaadaya xubnaha aqalka sare. [Isha Sawirka: Puntland Parliament]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah doortay 11 xubnood kuwaasoo aqalka sare ee Soomaaliya ku matalaya Puntland.

Saddex kamid ah xubanaha la doortay ayaa ah haween, taasoo ka dhigaysa in Puntland ay buuxisay qoondada ahayd 30% in ay dumar noqdaan labada aqal ee Soomaliya.

Xubnahaan la doortay ayaa waxaa Talaadadii soo magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*