Golaha wasiiradda Soomaaliya oo meelmariyay miisaaniyadda 2023 oo dhan $967 milyan

Golaha wasiiradda Soomaaliya. [Isha Sawirka: OPM]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa meelmariyay miisaaniyadda 2023 kadib kulan ay yeesheen gelinkii dambe ee Talaadada, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Raysulwasaaraha.

Qiyaasta miisaaniyadda 2023 waa $967.7 milyan, iyadoo uu jiro koror ku dhow $67 milyan marka loo eego miisaaniyaddii sannadkii hore oo ahayd $918 milyan.

Ku dhawaad $282 milyan ayaa la filayaa in ay ka soo xaroon doonto dakhliga gudaha, oo ah isha dakhliga ugu weyn ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*