Ilhaan Cumar oo soo dhaweyn diiran ka heshay Puntland

Dad soo dhaweynaya Ilhaan Cumar oo wata boorar ay ku qoranyihiin “kusoo dhawoow gurigaaga”.  [Xuquuqda Sawirka: Puntland Post]
Dad soo dhaweynaya Ilhaan Cumar oo wata boorar ay ku qoranyihiin “kusoo dhawoow gurigaaga”. [Xuquuqda Sawirka: Puntland Post]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xildhibaanada xaafada 60B ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Ilhaan Cumar ayaa soo dhaweyn diiran ka heshay Puntland oo ay timid maanta oo Khamiis ah, halkaas oo aabaheed asal ahaan kasoo jeedo.

Ms Ilhan iyo saygeeda ayaa soo dhaweyn diiran waxay ka heleen boqolaal shacab ah iyo masuuliyiinta dowladda katirsan oo ku qaabilay garoonka kumeel gaarka ah ee Kanooko oo kuyaala duleedka Garoowe.

Ilhan ayaa uga mahadcelisay dadka shacabka reer Puntland iyo masuuliyiinta dowladda sida diiran oo ay u soo dhaweeyeen.

Inta ay ku guda jirto booqashadeeda, waxay kulamo la yeelan doontaa masuuliyiinta dowladda iyo dadka shacabka ah.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*