Al-Shabaab oo wacad ku martay in ay khaarajin doonto xildhibaanada cusub ee baarlamaanka

Madaxweynaha Puntland oo shahaadada ansixinta siiyay xildhibaanada Puntland u matali doona labada aqal ee kan hoose iyo kan sare ee dowladda federaalka. [Xuquuqda Sawirka: Puntland Post]
Madaxweynaha Puntland oo shahaadada ansixinta siiyay xildhibaanada Puntland u matali doona labada aqal ee kan hoose iyo kan sare ee dowladda federaalka. [Xuquuqda Sawirka: Puntland Post]
Garoowe-(Puntland Mirror) Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa wacad ku martay in ay dilli doonto xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee dhawaan la doortay, sida uu sheegay xildhibaan.

Xildhibaan kasoo jeeda Puntland, oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa warsidaha Puntland Mirror khadka taleefoonka ugu sheegay in uu fariin qoraal ah ka helay Al-Shabaab, taasoo ay ugu hanjabayaan in ay dilli doonaan.

“Waxaan helay fariin qoraal ah oo ka timid Al-Shabaab, waxayna igu dhaheen waanu ku dillaynaa haddii aadan ka bixin xubinimada baarlamaanka.” Ayuu yiri xildhibaanku.

Tan iyo 2012-kii, 18 xildhibaan ayaa lagu dilay Muqdisho, intooda badan waxaa masuuliyada dilkooda sheegatay kooxda hubaysan ee Al-Shabaab. Iyadoo sidoo kale in ka badan toban xildhibaan ay ka badbaadeen isku day khaarajin.

Xildhibaanada cusub ee la doortay ayaa maalmaha soo socda ku kulmi doona Muqdisho, si ay ugu codeeyaan madaxweynaha cusub ee dalka.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*