Ganacsade daawooyinka iibiya oo loo doortay guddoomiyaha ururka PUNSAA

Faysal Qaran oo ka hadlaya doorashada ka dhacday Garoowe. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Faysal Qaran oo ka hadlaya doorashada ka dhacday Garoowe. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Garoowe-(Puntland Mirror) Faysal Axmed Warsame sidoo kalena loo yaqaan “Faysal Qaran” oo ah ganacsade daawooyinka iibiya  ayaa Khamiistii loo doortay guddoomiyaha ururka daneeyaasha aan dowliga ahayn ee Puntland (PUNSAA).

Faysal Qaran ayaa helay 54 cod halka ninkii la loolamayay ahaana goddoomiyihii hore Nuur Shire Cumaan uu helay 42 cod intii lagu guda jiray wareega labaad ee codaynta.

Guddoomiyihii hore Nuur Shire Cusmaan ayaa aqbalay natiijada cod bixinta.

Doorashada ayaa ka dhacday gudaha caasimada Puntland ee Garoowe, halkaas oo ururka fadhigiisu yahay.

Doorashada ayaa waxaa ka qaybgalay in ka badan boqol xubnood oo katirsan golaha sare ee ururka.

Guddoomiyaha cusub, Faysal Qaran ayaa ah ganacsade degan Garoowe, halkaas oo uu ku leeyahay dhowr xarumood oo caafimaad.

PUNSAA ayaa ah urur aan dowli ahayn, oo aan siyaasad iyo faa’ido raadis ahayn kaasoo ay ku midaysanyihiin daneeyaasha aan dowliga ahayn ee Puntland. Waxaana la asaasay 14-kii May ee 2008-dii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*