Madaxweynaha dowlada Puntland oo Muqdisho kula kulmay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya

IMG_3157
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo kulan la qaatay safiirka Turkiga Olgan Bakar.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Sabti ah magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bakar.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta safaarada Turkiga uu ku leeyahay caasimada Soomaaliya, Muqdisho.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Puntland, kulanka ayaa diirada lagu saaray arrimo la xiriira xaalada uu ku jiro dalka Soomaaliya iyo mashaariicda ay dowlada Turkiga ka fuliso dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa waxay si qoto dheer uga wadahadleen mashaariicda horumarineed ee Turkiga ka wado dalka Soomaaliya iyo sidii Puntland loo gaarsiin lahaa qaybteeda.

Turkiga ayaan wax mashaariic ah ka fulin deegaanaada Puntland tan iyo markii uu bilaabay sanadkii 2012-ka mashaariicda horumarineed ee uu Soomaaliya ka fuliyo.

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa wadanka saddexaad oo hela mashaariicda horumarineed ee Turkiga tan iyo 2012-kii.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*