Haayada waddooyinka Puntland ee PHA iyo shirkada Isxilqaan oo kala saxiixday heshiiska dhismaha jidka u dhaxeeya Garoowe iyo Gaalkacyo

Haayada waddooyinka Puntland ee PHA iyo shirkada Isxilqaan oo kala saxiixday heshiiska dhismaha jidka u dhaxeeya Garoowe iyo Gaalkacyo. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Haayada waddooyinka Puntland ee PHA iyo shirkada Isxilqaan oo kala saxiixday heshiiska dhismaha jidka u dhaxeeya Garoowe iyo Gaalkacyo. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Garoowe-(Puntland Mirror) Haayada waddooyinka Puntland ee PHA ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah ugu saxiixday shirkad la dhaho Isxilqaan oo ku guulaysatay tartankii qandaraaska mashruuca dhismaha jidka isku xira magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Munaasabad ka dhacday xarunta haayada PHA oo kutaala magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa kasoo qaybgalay wasiirka howlaha guud iyo gaadiid Puntland agaasimaha kumeelgaarka ah ee PHA, masuuliyiinta shirkada Isxilqaan iyo saraakiil ka socotay haayada GIZ.

Mashruucaan ayaa waxaa dhaqaalaha ku baxaya ku deeqay Midowga Yurub oo fulintiisa u wakiishay haayada horumarinta u qaabilsan Jarmalka ee GIZ.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*