Xasan Shiikh Maxamuud oo xarunta madaxtooyada si rasmi ah ugu wareejiyay madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Sawirka: Twitter]Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan madfac oo looga shaki qabo ururka Al-Shabaab ayaa ku dhacay banaanka hore ee xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee gudaha Muqdisho maanta oo Khamiis ah, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Ugu yaraan labo qof oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen madaafiicdaas lala eegtay deegaanada u dhow xarunta madaxtooyada.
Tani ayaa imaanaysa saacado yar kadib markii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu xarunta madaxtooyada si rasmi ah ugu wareejiyay madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.
Be the first to comment