Dagaal dib uga bilowday caasimada Koonfurta Suudaan ee Juba

war
Dagaal dib uga bilowday caasimada Koonfurta Suudaan, Juba.

Dalka Koonfurta Suudaan ayaa dib ugu laabtay dagaal, sida uu warbaahinta BBC-da u sheegay afhayeenka madaxweyne ku-xigeenka Koonfurta Suudaan.

Ciidamada  taageersan madaxweyne ku-xigeenka Riek Machar ayaa sheegay in xarumahooda caasimada Juba ay soo weerareen ciidamada dowlada.

Col William Gatjiath, oo ah afhayeenka Riek Machar ayaa BBC-da qaybteeda World service u sheegay in Madaxweyne Salva Kiir aysan dhab ka ahayn heshiiskii nabada.

Dowlada ayaan ka jawaabin hadalka afhayeenka Riek Machar.

Afhayeenka ayaa sheegay in boqolaal ciidamada Riek Machar ah ay dhinteen maanta oo Axad ah sidoo kalena ciidamada taageersan Machar ay ku fidayaan magaalada Juba.

Dagaal kale oo dhacay maalintii Jimcada ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 150 qof, kaasoo u dhaxeeyay ciidamo kala taageersan Madaxweyne Salva Kiir iyo Ku-xigeenkiisa Riek Machar.

Dagaaladan cusub ayaa imaanaya iyadoo dabayaaqadii sanadkii tagay ay heshiis wada gaareen Salva Kiir iyo Riek Machar kadib dagaal dhexmaray taageerayaasha labada nin oo socday tan iyo bishii December 2013 kaasoo ay ku dhinteen kumanaan dad weyne ah ayna ku barakaceen malaayiin kale.

Wadanka Koonfurta Suudaan ayaa shalay oo Sabti ahayd waxay ku beegnayd sanadguuradooda shanaad ee qaranimada oo ay ka qaateen waqooyiga Suudaan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*