Duufaanta Gati oo khasaare ka geysatay magaalada Xaafuun

Duufaanta Gati ayaa soo gaartay xeebaha Puntland Axadii.

Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan afar qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Duufaanta Gati oo shalay oo Axad ahayd ku dhufatay deegaanada xeebaha Puntland.

Afarta qof oo ku dhintay xeebaha magaalada Xaafuun, ayaa ahaa kalluumeysato u dhashay Yemen, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Waxaa jira doonyo kalluumeysi oo ku burburay duufaanta iyo kuwo la la’yahay, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Gudaha Xaafuun, saddex qof ayaa ku dhaawacmay duufaanta, oo khuburada saadaasha hawada ay sheegeen in ay ahayd mid aad u xoog badan. Sidoo kale waxaa ku burburay guro badan, halka isgaarsiintu ay go’day.

Shir aan caadi ahayn oo Garoowe ka dhacay oo uu guddoominayay Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa lagu sameeyay guddi ka kooban golaha wasiiradda si ay u sameeyaan qiimayn ku saabsan xaalada deegaanada xeebaha ee ay ku dhufatay Duufaanta Gati.

Duufaanta ugu dhimashada badnaa ee abid ayaa ka dhacday Puntland sanadkii 2013 ayaa la dhihi jiray A03, taasoo dishay ku dhawaad 100 qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*