Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay saddex nin oo ay ku eedaysay jaajuusnimo

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]
Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay meel fagaare ah ku toogatay saddex nin oo ay ku eedaysay in ay jaajuusyo u ahaayeen milatariga Kenya iyo haayada sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.

Nimanka ayaa magacyadooda ahaayeen, Cabdulaahi Axmed oo 51-sanno jir ahaa, Liibaan Xuseen oo 21-sanno jir ahaa iyo Maxamed Salaad oo 31-sanno jir ahaa. Al-Shabaab ayaa nimankaas ku fulisay toogasho ka dhacday fagaare kuyaala degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe galabnimadii Arbacada.

Nin isku dheegay qaadiga Al-Shabaab ee maxkamada Saakow ayaa sheegay in saddexda nin ay jaajuusiin u ahaayeen ciidamada KDF Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo haayada sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, waxaana uu ugu hanjabay dadka ku sugan meelaha ay maleeshiyada haysato in ay la kulmi doonaan ciqaabtaas oo kale.

Dadka deegaanka ee magaalada Saakow ayaa maleeshiyada Al-Shabaab ay ku  khasabtay in ay isugu soo baxaan si ay goobjoog uga noqdaan toogashada tooska ah ee saddexda nin kuwaasoo ay maleeshiyada si wadajir ah toogasho ugu fuliyeen, sida ay ilo-wareedyada sheegeen.

Bishii lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa ka fulisay magaalada Jilib toogashooyin lamid ah oo ka dhan ahaa niman Kiinyaati iyo Soomaali ahaa oo ay maleeshiyada ku eedaysay in ay warbixin siinayeen sirdoonka Ingiriiska ee MI6 iyo milatariga Kenya.

Inkastoo Al-Shabaab dagaalka lagu garaacay lagana saaray magaalooyinka waa-weyn ee koonfurta Soomaaliya, haddana kooxda waxay wali sii wadaa weeraradeeda ku dhufoo ka dhaqaaqa ah iyo toogashada dadka shacabka ah oo ay ku eedeeyaan in ay la shaqeeyaan sirdoono shisheeye ah.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*