Wareysi uu wasiirka maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Bayle siiyay BBC Somali ayuu ku sheegay in khasaare dhaqaale oo dhan 40% uu sababay coronavirus.
“Saameyn weyn buu Soomaaliya ku yeeshay sida wadamada kale sidaa daraadeed wax soo saarkii baa hoos u dhacaya, dadka dakhligii soo galayay baa hoos u dhacaya, canshuurihii yar-yaraa iyo wixii dhammaadeen, alaabihii dibada laga soo qaadayay waa iska yaraanayaan markaas dakhligii ka soo galayay garoonka iyo dekada, markaas waxyaabo badan oo 40% ayaa is dhimaya,” ayuu yiri.
Waxaana uu intaas ku daray in is-dhinkaas dakhli ay u dhiganto ilaa $200 milyan.
Bayle ayaa sheegay in ay wadahadal kula jiraan beesha caalamka gaar ahaan Bankiga Adduunka si uu uga caawiyo hoos u dhacaas iyo dagaalka ka dhanka ah coronavirus.
Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda diiwaangelisay 328 kiis oo coronavirus ah, iyo 16 dhimasho ah, sida ay muujinayso xogta Wasaaradda Caafimaadka.