Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire oo geeriyooday

Cabdisamad Cali Shire. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntaland Mirror) Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire ayaa ku geeriyooday Muqdisho subaxnimadii hore ee Khamiista, sida bog-wareedka Puntland Mirror ay u xaqiijiyeen masuuliyiin katirsan dowladda.

Cabdisamad ayaa bilihii u dambeeyay la tacaalayay xanuun aan la sheegin.

Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeysay geerida ku timid madaxweyne ku xigeenkii hore, sida lahu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Bishii Janaayo 2009-kii, ayaa madaxweyne ku xigeen loo doortay kadib markii Cabdiraxmaan Maxamed Faroole loo doortay madaxweyne. Janaayo 2014-kii ayuu markale u tartamay balse waxaa doorashadaas kaga adkaaday Cabdixakiim Cumar Camay.

Kahor doorashada madaxweyne ku xigeenka, Cabdisamad Cali Shire ayaa Puntland xilal kala duwan kasoo qabtay. Sidoo kale waxa uu ahaa sargaal sare xilligii xukuumaddii milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*